Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Markale Ka Dhacay Wadada Makka Al Mukarrama.

Sunday August 05, 2018 - 20:47:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Markale Ka Dhacay Wadada Makka Al Mukarrama.

    Qarax aad u xooggan ayaa caawa Fiidkii ka dhacay goob mashquul badan oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax aad u xooggan ayaa caawa Fiidkii ka dhacay goob mashquul badan oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qarax xooggan uu caawa maqribkii ka dhacay kasoo horjeedka Laanta Socdaalka DF-ka ee wadada Makka Almukarrama oo ah goob amnigeeda ay si adag u ilaaliyaan ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugidda.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay qaraxa, isbitaalka Madiina ayaa ladhigay dhowr qof oo qaraxa caawa ku dhaawacmay.

Magaalada Muqdisho ayaa 12 saacadood gudahood marti gelisay dilal qorshaysan,qaraxyo iyo iska hor'imaadyo fool ka fool ah oo dhammaantood khasaara dhaliyay.


Weeraradan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya isku dayadii uu Max'med Cabdullaahi Farmaajo ku doonayay in uu ku sugo amniga magaalada caasimadda ah isagoo shaqada ka eryay saraakiil kuna bedelay saaraakiil balse waxba kamasoo naasa caddaan.

illaa iyo hadda Majirto cid sheegatay mas'uuliyaddan qaraxan aadka u xooganaa ee ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama wuxuuna geystay burbur baaxad leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items