Akhriso: Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Khasaaraha Dhaliyay Ee Wadada Shaqaalaha.

Monday August 06, 2018 - 07:21:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Khasaaraha Dhaliyay Ee Wadada Shaqaalaha.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax khasaara badan dhaliyay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax khasaara badan dhaliyay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa qarax lalabeegsaday goob ay iskugu yimaadaan xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda Federaalka  ayaa xalay fiidkii ka dhacay wadada Makka Almukarrama ee gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay beegsatay isku imaatin ay ku sugnaayeen shaqaale iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya "Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay goob ay xilliyada habeenkii ku caweeyaan xubno ka tirsan shaqaalaha wasaarado kala duwan ee kooxda ridada Soomaaliya" ayaa lagu yiri war lagasii daaye idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in xilligii qaraxu dhacayay ay goobta la beegsaday isugusoo aruureen xubno bartilmaameed u ahaa "Goobtan la beegsaday oo ku taalla wadada Makka Al Mukarama ayaa xilligii qaraxu uu ka dhacayay waxaa joogay xubno fara badan oo kamid ah kooxda ridada, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawaxc uu kasoo gaaray qaraxaasi" ayaa markale lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay.

Inta la xaqiijiyay tiro kor u dhaafaysa illaa 10 ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi, inkastoo ay dhici karto in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

"Sawirro goor dambe laga soo qaaday goobtan lagu caweeyo ee uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay gaadiidka raaxada oo ay wateen shaqaalihii wasaaradaha murtadiinta oo uu burbur xooggan ka muuqdo, iyo sidoo kale dhiig badan oo ka daatay murtadiintii la beegsaday" sidaas waxaa baahisay Andalus

Ciidamo farabadan oo katirsan dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxaana socda baaritaanno ay ciidamadaasi wadaan,
Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay ee Axada ahayd waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan dowladda Federaalka

Mid kamid ah weeraradaas  ayaa shalay barqadii Ciidamada Al Shabaab  waxay weerar dhabagal  ugu dhigeen gaari cabdi bile ah oo ay la socdeen Maleeshiyaatka Ilaalada Madaxtooyada  ee loo yaqaano koofiya guduudda, waxaana halkaas lagu dilay 5 kamid ah maleeshiyaatkaasi, halka 3 kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Related Items