Abaanduulaha Ciidamada Maamulka HirShabelle oo Isku day dil Ka Badbaaday.

Monday August 06, 2018 - 14:18:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaanduulaha Ciidamada Maamulka HirShabelle oo Isku day dil Ka Badbaaday.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax uu ka badbaaday sarkaal sare oo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari lagu xiray
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax uu ka badbaaday sarkaal sare oo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

Qaraxaani ayaa shalay waxa uu ka dhacay gudaha Warshadii hore ee dharka ee ku taalla degmada Balcad, halkaasi oo ku sugnayeen maleeshiyaad ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya  iyadoona weerakaasi uu ka dhashay khasaaro soo gaaray askar iyo saraakiil.

Qaraxa waxaa ka badbaaday abaanduulaha ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabeelle Ninka lagu magacaabo Col. Cali Cariif, kadib markii qaraxu uu gaarigiisa qabsaday.

Inta la xaqiijiyay 7 askari  ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi, dadka ku dhaawacmay Qaraxa waxaa ka mid ahaa taliyaha maleeshiyaadka garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, kaasi lagu soo waramayo in dhaawac aad uculus uu soo gaaray .


Qaraxii shalay ka dhacay degmada Balcad ayaa imaanaya, xili habeenadii la soo dhaafay xoogaga Al Shabaab ay weerarro loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen Saldhigyo maleeshiyaadka dowladda  iyo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Balcad .

Duqeymahaasi ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada dowladda  ee dhismaha Warshadii hore ee Dharka degmada Balcad iyo xero diris la ah Dhismahaasi oo fariisin u ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ee Sh/dhexe ku sugan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items