Al Shabaab Oo Weeraro Habeen Mir ah Ku Qaadday Magaalooyinka Buula Burde iyo Qoryooleey.

Tuesday August 07, 2018 - 12:41:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Habeen Mir ah Ku Qaadday Magaalooyinka Buula Burde iyo Qoryooleey.

    Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin magaalada Buula Burde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigyo ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin magaalada Buula Burde.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen magaalada Buula Burde oo ay ku suganyihiin ciidamo Jabuutiyaan ah.

Dagaalka ugu xooggan xalay wuxuu ka dhacay galbeedka magaalada halkaas oo xoogaga Al Shabaab muddo saacada ah kula dagaallamayeen ciidamo huwan ah oo isugu jira Jabuutiyaan iyo kuwa dowladda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen, magaalada Buula Burde ayaa wax ka badan afar sanadood ku jirta hareerayn raagtay.


Dhinaca kale dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa degmada Qoryooley ee gobolka shabeelaha Hoose, dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada Al Shababaab ay weerareen saldhigyada maleeshiyaadka dowaldda.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xoogaga Al Shabaab ay isku fidiyeen xafaadaha Qoryooleey kadib markii maleeshiyaadka dowladda ay ufirxadeen dhanka deegaanka Buula Sheekh oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items