Sawirro: Ciidamada Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Magaalada Jigjiga.

Tuesday August 07, 2018 - 16:13:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Magaalada Jigjiga.

    Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay xasuuq hor leh oo ciidamada Melleteriga Itoobiya ay ka geysteen deegaanno katirsan dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay xasuuq hor leh oo ciidamada Melleteriga Itoobiya ay ka geysteen deegaanno katirsan dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga kujira.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay toogasho ku dileen illaa 7 ruux oo ku sugnaa xerada Dadka Barakacayaasha Qalooji.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya ay gudaha ugaleen xerada kadib markii dad caraysan ay dhagxaan ku weerareen kolonyo gaadiid melleteri ah oo xilligaas kusii qulqulayay magaalada Jigjiga.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay aas jamaaci ah oo gudaha xerada Qalooji loogu sameynayo dadka ciidamada Itoobiya xasuuqeen, xaalad Bandow ah ayay Jigjiga xalay ku waabariisatay waxaana socda xasuuq aan loo meel dayin oo melleteriga Addis Ababa ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.


Isbedelka dhanka maamulka ah ee kajira magaalada Jigjiga ayaa fursad usiiyay boqolaal qof Nasaaro/Masiixiyiin ah in ay kasoo baxaan kaniisadaha xilligii ay rabashaduhu ka socdeen Jigjiga.

Dhinaca kale dowladda Jabuuti ayaa diyaarado udirtay magaalada Dirirdhabe oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen weeraro ka dhan ah dadka soomaalida ah, illaa iyo hadda jiha wareer dhanka siyaasadda iyo amniga ah ayaa kajira dhammaan magaalooyinka dhulka Soomaalida.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items