Cabdi ileey iyo Saraakiishii Ugu Sarraysay Maleeshiyada Liyuu Booliska Oo Gacanta Lagu dhigay.

Tuesday August 07, 2018 - 16:40:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi ileey iyo Saraakiishii Ugu Sarraysay Maleeshiyada Liyuu Booliska Oo Gacanta Lagu dhigay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayay ku xaqiijisay in gacanta lagu dhigay Cabdi Maxamud Cumar oo Cabdi ileey ku magac dheer maalin kadib markii uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayay ku xaqiijisay in gacanta lagu dhigay Cabdi Maxamud Cumar oo Cabdi ileey ku magac dheer maalin kadib markii uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Ciidamo katirsan Melleteriga Itoobiya ayaa saaka aroortii hore Cabdi Ileey ka qabtay guri uu uga dhuumanayay bartamaha magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaaligalbeed.

Shabakad u dhow dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi ileey iyo tobanaan kamid ah saraakiisha ugu sarraysa maleeshiyaadka Liyuu Booliska laqabtay loona gudbiyay saldhig melleteri oo kuyaal garoonka diyaaradaha Jigjiga waxaana lafilayaa in loo wareejiyo dhanka magaalada Addis Ababa halkaas oo lagu maxkamadeyn doono.


Afhayeenka dowladda Itoobiya ayaa goor sii horraysay sheegay in Cabdi ileey iyo saraakiisha Liyuu Booliska ay dad shacab ah iyo siyaasiyiin ku gummaadeen dhulka Soomaaligalbeed.

inkastoo gacanta lagu dhigay dhiigya cabkii xasuuqi jiray dadkiisa hadane ciidamada gummeysiga Itoobiya ayaa dhankooda geysanaya gummaad ka dhan ah shacabka Rayidka soomaalida.

Soo gaba gabeynta maamulkii Cabdi ileey ayaa ah tallaab ay ku farxayaan malaayiin qof oo kunool dhulka Somaligalbeed balse dadku wali waa dhibanayaal maadaama ay ku hoos noolyihiin gummeysiga Xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items