Booliska Kenya Oo Bilaabay Isticmaalka Geella Si Looga Gaashaanto Qaraxyada Al-Shabaab!.

Wednesday August 08, 2018 - 11:52:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya Oo Bilaabay Isticmaalka Geella Si Looga Gaashaanto Qaraxyada Al-Shabaab!.

    Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa shaaciyay in ciidamadooda ka howlgala xad-beenaadka ay gaadiid ahaan u isticmaali doonaan Geella, kuna roondeyn doonaan inta lagu gudajiro howlgalada lagu sugayo amniga si looga gaashaanto weerarada qaraxyada ee A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa shaaciyay in ciidamadooda ka howlgala xad-beenaadka ay gaadiid ahaan u isticmaali doonaan Geella, kuna roondeyn doonaan inta lagu gudajiro howlgalada lagu sugayo amniga si looga gaashaanto weerarada qaraxyada ee Al-Shabaab.


Dufcadda ugu horeysa Geella loo tababarayo howshan ayaa ku xareysan saldhig ku yaalla Isiyeeloow, waxayna ka kooban yihiin ilaa 50 neef oo geel ah sida uu sheegay Wargeyska Standard oo markii ugu horeysay xaqiijiyey aritan.

Wargeyska ayaa baahiyey Sawirrada ciidamo ka tirsan police-ka dowladda  Kenya oo dusha ka saaran dhowr neef oo geela, kuna roondeynaya intii lagu gudajiray tababar lagu siinayey xerada Isiyeeloow.


Ilo wareedyo ayaa wargeyska u sheegay in aragtidan ay timid ka dib markii maaro loo waayey weerarada qaraxyada ee Al Shabaab ku beegsadaan ciidamada Police-ka ee ku roondeeyaa xad-beenaadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu sheegay in ciidamada intooda badan la beegsado marka ay ku socdaalayaan wadooyinka qarda-jeexa ah, xilligaas oo gaadiidkoodu uu yahay mid u nugul weerarada qaraxyada ee kaga imaanaya Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items