Sarkaal Katirsan CID-da Oo Lagu dilay Galbeedka magaalada Muqdisho.

Wednesday August 08, 2018 - 12:08:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan CID-da Oo Lagu dilay Galbeedka magaalada Muqdisho.

    Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa markale magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.


Weerarka  ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, waxayna xoogga Al Shabaab  ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Qeybta Dambi baarista CID-da oo ah mid caan ku ah dhibaateynta shacabka Muslimiinta ah.

Sarkaalkan ay Al Shabaab dishay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar kaasi oo laga toogtay  qeybaha sare ee jirka waxeyna taasi sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii dilka geystay ay  goobta si nabad galyo ah ka ga dhaqaaqay,waxaana ugu dambeyntii goobta dilka soo gaaray ciidamo katirsan DF-ka iyagoona qaaday Meydka sarkaalka ladilay.


Isbuucan gudahiida magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo dalka kusoo hoggaamisay kumanaan ciidamo shisheeye ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items