Diyaaradaha Kenya Oo Dad Xoola Dhaqata ah Ku Dilay Gobolka Gedo.

Wednesday August 08, 2018 - 16:16:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Kenya Oo Dad Xoola Dhaqata ah Ku Dilay Gobolka Gedo.

    Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, diyaarado dowladda Kenya ay leedahay ayaa xalay duqeyn geystay khasaaro dhimasho duqeyntu waxay ka dhacday duleedka magaalada Beled Xaawo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, diyaarado dowladda Kenya ay leedahay ayaa xalay duqeyn geystay khasaaro dhimasho duqeyntu waxay ka dhacday duleedka magaalada Beled Xaawo.


Tuulada  duqeeyntu ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Laan-qurac, deegaanasi ayaa waxaa uu hoos yimaada deegaanka Gaddoon dhowe.

Dadka ku dhaqan deegaanakasi ayaa u sheegay warbaahinta in duqeeyntaasi uu ku dhintay nin reer miya ah oo marayay deegaanka ay Duqeeyntu ka dhacday.

Goobta ay duqeeyntu ka dhacday oo saakay ayaa waxaa gaaray dad ka ag dhawaa waxayna goobta  kusoo arkeen meydka Ruuxaasi Shacabka ah oo halkaasi duqeeynta ku dishay .


Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa si toos ah ubeegsaday dad shacab xoola dhaqata ah oo xilligaas doonayay in ay kasoo adeegtaan Gaddoon dhowe, dowladda Kenya ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn ku heysa shacabka gobolka Gedo.

Duqeymo bilo ka hor ka dhacay degmada Ceelcadde iyo deegaannada hoos yimaad ayaa sababay dhimashada tobaneeyo ruux iyo in ay bakhtiyaal boqolaal neef oo u badan Ari iyo Geel.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items