Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada Liyuu Booliska Oo isku Horfadhiyo Magaalada Dhagaxbuur.

Thursday August 09, 2018 - 10:58:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada Liyuu Booliska Oo isku Horfadhiyo Magaalada Dhagaxbuur.

    Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga Xabashida itoobiya kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga Xabashida itoobiya kujira.
iska hor'imaadyo u dhaxeeya ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Liyuu Booliska ayaa xalay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar.

Xalay Fiidkii ayay kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya gudaha ugaleen magaalada kadibna waxayna iska hor'imaad lagaleen maleeshiyaad daacad u ah Cabdi ileey oo hadda Addis Ababa ku xiran.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in melleteriga Itoobiya iyo Liyuu Booliska ay isku hor fadhiyaan xaafado katirsan magaalada, boqolaal qoys ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda oo kuyaal magaalada Dhagaxbuur.


Guddoomiyaha degmada Dhagaxbuur oo hoggaaminaya maleeshiyada Liyuu Booliska ayaa Itoobiyaanka ka diiday in uu wareejiyo maamulka magaalada arrinkaas oo keenay isku dhaca melleteri.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa wali sii wada gulufka ay ku baacsanayaan saraakiisha maamulkii lariday ee Cabdi ileey, degmooyinka Godeey iyo Faafi ayaa la sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah isku hareereeyeen waxayna dalabadeen in saraakiisha maamulka isdhiibaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items