Mareykanka Oo Xaqiijiyay in Askari looga Dilay Wadanka Afghanistan.

Tuesday August 14, 2018 - 11:43:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Xaqiijiyay in Askari looga Dilay Wadanka Afghanistan.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay mid kamida ciidamadooda sida gaarka ah utababar lagu dilay weerar ka dhacay wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay mid kamida ciidamadooda sida gaarka ah utababar lagu dilay weerar ka dhacay wadanka Afghanistan.

Qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa sababay dhimashada Raymond Roguegal Transfiguration oo 36 sana jir ahaa xilli uu muhiimad howlgal uga jiray gobolka Helmand ee Koonfurta Afghanistan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda G/dhigga.

Pentagon-ka Mareykanka wuxuu sheegayaa in ay wadaan baaritaanno ku aaddan qaabka uu u dhacay qaraxa lagu dilay askariga, 12-kii bishaan Xarakada islaamiga Talibaan waxay sheegtay in askar American ah ay ku dishay Koonfurta Afghanistan.


Talibaan ayaa bilihii lasoo dhaafay sare uqaadday dagaalka ay kula jirto ciidamada Shisheeyaha NATO ee Afghanistan ku duulay waxayna xarakadu qarka usaarantahay in ay qabsato gobolka Ghazni ee galbeedka wadanka dhaca.

Dowladda Mareykanka ayaa aad uqarisa khasaaraha lixaadka leh ee kasoo gaaraya dagaalka Afghanistan waxaana arrinkaas loo sababeynayaa shacabka Americanka oo laga cabsi qabo in uu bixin waayo qarashka ku baxa ciidamada dagaalka uga jira Afghanistan haddi la shaaciyo cadadka askarta lagu dilo dagaalka.

Donald Trump ayaa markii uu xilka qabtay ballan qaaday in uu kordhinayo ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ku duulay balse mar dambe ayuu sheegay in dagaalka Afghanistan uu yahay mid adag uuna ka fikirayo sidii uu wax uga bedeli lahaa istiraatiijiyadda uu Mareykanku ku wajahayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items