Sawirro: 35 Qof Talyaani Ah Oo Ku Dhintay Burburka Buundada Magaalada Genoa.

Tuesday August 14, 2018 - 20:14:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 35 Qof Talyaani Ah Oo Ku Dhintay Burburka Buundada Magaalada Genoa.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay Burburkii ku yimid Buundada weyn ee magaalada Genoa ee wadanka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay Burburkii ku yimid Buundada weyn ee magaalada Genoa ee wadanka Talyaaniga.

Wasiirka Gaadiidka dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in dhimashada ka dhalatay shilka ay gaartay 35 qof walina waxaa socda dadaallo ladoonayo in lagusoo helo Meydad iyo dhaawacyo.

Guddiga gurmadka degdegga wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in Buundadu waqtigii ay burburaysay ay dulmarayeen gaadiid farabadan kuwaasi oo dhulka ku hoobtay waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimasho uu sare ukaco.

Video lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya mid kamid ah tiirarka hayay buunddada uu dhulka ku dhacaya, iyadoona dabeylo xooggan ay halkaasi ku dhufteen.

Saraakiisha  Booliska Talyaaniga waxay sheegeen in magaalada Genoa ay ku dhugteen  roobab wata dabeylo xooggan, dadka dhintay badankood waxay ku daateen biyaha buundada ka hooseeyay halka qaarkood ay ku dhax gubteen gaadiidkii ay la socdeen.



R/wasaaraha Talyaaniga ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray golaha wasiirrada si looga arrinsado xaaladda soo korortay.





Related Items