Maamulka Axmed Madoobe Oo Kismaayo Ku Xiray Mas'uuliyiin Katirsan DF-ka.

Wednesday August 15, 2018 - 12:14:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Axmed Madoobe Oo Kismaayo Ku Xiray Mas'uuliyiin Katirsan DF-ka.

    Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Mas'uuliyiin ka socotay DF-ka ayaa shalay gelinkii dambe lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyadoona lagala wareegay hanti ay wateen sida ay sheegeen mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Cali Mire Ducaale oo ku magacaaban Taliyaha Nabad sugidda Jubbooyinka iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Saraakiishan ayaa laxiray daqiiqado kadib markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamo Itoobiyaan iyo Kenyaan ah.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishan xalay ay ku hoydeen Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo waxaana lafilayaa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo ay kasoo kicitimeen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in imaashiyaha mas'uuliyiinta ay tahay sharci darro sidaas daraadeedna ay dib ugu celin doonaan Muqdisho.

13-kii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii garoonka Kismaayo laga celiyay Col.Cali Bogmadoow oo Farmaajo uu u magacaabay taliyaha ciidamada Guutada 43-aad ee Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Kismaayo kajira ayaa isku arka mid ka awood badan Dowladda Federaalka wuxuuna maqaar saar u yahay dowladda gummeysiga Kenya marka lagasoo tago xiriirka wanaagsan ee uu laleeyahay Xabashida Itoobiya iyo Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items