Dowladda Qadar Oo Sheegtay in 15 Bilyan Ay Ku Maalgelinayso Dhaqaalaha Turkiga.

Wednesday August 15, 2018 - 20:25:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qadar Oo Sheegtay in 15 Bilyan Ay Ku Maalgelinayso Dhaqaalaha Turkiga.

    Qadar oo kamid ah dowladaha gacanka carbeed ee hodonka ku ah shidaalka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadanayso mashruuc dowladda Turkiga looga badbaadinayo burburka dhaqaale oo ay wajaheyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qadar oo kamid ah dowladaha gacanka carbeed ee hodonka ku ah shidaalka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadanayso mashruuc dowladda Turkiga looga badbaadinayo burburka dhaqaale oo ay wajaheyso.

Tamiim Bin Xamad Aala Thaani oo ah Boqorka dowladda Qadar ayaa booqasho ku tagay magaalada Ankara ee wadanka Turkiga, kulan uu laqaatay Rajeb Dayib Erdogaan iyo wasiirka Maaliyadda Turkiga ayay labada dhinac ku saxiixeen heshiis Qadar ay wax uga qabaneyso dhaqaalaha sii liicaya ee Turkiga.

Hoggaamiyaha Qadar ayaa ballan qaaday in lacag dhan 15 Bilyan oo dollar ku maalgashanayaan dhaqaalaha Turkiga si wax looga qabto hoos udhaca ballaaran ee ku yimid lacagta Liiraha Maxalliga ah.


Dowladda Qadar oo sanaddi 2017 badbaado ka heshay Turkiga kadib markii Sacuudiga iyo Imaaraatka ay go'doomiyeen ayaa hadda isku dayaysa in Turkiga u abaal guddo.

Yaboohan dhaqaale ee ka yimid Hoggaamiyaha Qadar ayaa imaanaya xilli xukuumadda Ankara uu khilaaf dhanka dhaqaalaha ah kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items