Sicir Barar Dhanka Xoolaha Ah Oo Kajira Wadanka Imaaraatka Carabta Waa Maxay Sababta?

Sunday August 19, 2018 - 15:56:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sicir Barar Dhanka Xoolaha Ah Oo Kajira Wadanka Imaaraatka Carabta Waa Maxay Sababta?

    Wareyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraatka carabta ayaa maanta soo daabacay warbixin uu kaga hadlayo sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha ku xareysan suuqyada magaalada Dubaay ee wadanka isu taga Imaaraatka Carabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraatka carabta ayaa maanta soo daabacay warbixin uu kaga hadlayo sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha ku xareysan suuqyada magaalada Dubaay ee wadanka isu taga Imaaraatka Carabta xilli maalma oo kaliya ay ka hartay munaasabadda ciidul Adhxaa oo ku beegsan talaadada soo socota.



Qiimaha lagu kala iibsado ariga oo ah xoolaha ugu badan ee ay dadku u iibsadaan Udhiyada ayaa ka kacay 1500 oo dirham oo uu joogay markii hore, waxaana hadda lagu kala iibsanayaa 5000 oo dirham taas oo micnaheedu yahay in 65% uu kor kaga kacay halkii uu joogay ciiddii hore.

Ganacsade ka howlgala suuqa xoolaha ee magaalada Al-Quseys ayaa wargeyska u sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha loo aaneynayo in sanadkan aysan imaan xoolo badan oo ku filan dadka magaalada Dubaay, isagoona tilmaamay in ay dalka soo galeen xoolo kooban oo ka yimid Pakistan iyo Hindiya.



Ariga laga keeno Pakistan ayaa ah mid aad u kooban oo aanan ku filneen dadka, halka ariga laga keeno Hindiyana lagu soo daabulo diyaarado xamuul ah sidaas darteedna uu ka qaalisan yahay midka la soo mariyo badda ee lagu keeno Maraakiibta sida ay tibaaxayaan ganacsato uu la kulmay wargeyska.

Wargeysku wuxuu leeyahay waxaa xoolaha lagu kala xushaa caafimaadkooda, culeyskooda iyo wadanka laga keeno.

Gullaam Akbar oo ah ganacsade Pakistani ah ayaa wargeyska u sheegay sanadkan aanan suuqyada Dubaay la keenin arigii ka imaan jiray Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in ay ka raqiisan yihiin xoolaha laga keeno wadamada kale."Haddii uu iimaan lahaa ariga Soomaalida ee raqiiska ah ee neefkiiba la siisto 400 ilaa 500 oo dirham, fursad ayey u noqon lahayd macaamiisha laakiin ariga soomaalida in dhawaaleba ma imaan dalkan” ayuu yiri.

Ciiddii la soo dhaafay, waxaa suuqyada Dubaay loo iib geeyey 170,000 oo xoolo ah, waxaana sanadkan ay saraakiishu sheegeen in la filayey inuu sare u kaco 60% oo uu gaaro ilaa 300,000 kun oo neef.

Khilaaf siyaasadeed oo horaantii sanadkan ka dhex qarxay Imaaraatka iyo kooxda ridada ayaa saameyn ku yeeshay ganacsatada Soomaaliya, waxaana in badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ay hakiyeen xoolihii iyo badeecadihii ay u iib geyn jireen Imaaraatka Carabta iyagoo ka cabsi qabo in ay hantidooda ku dhex lunto isqabqabsiga siyaasadeed u dhexeeya Imaaraatka iyo kooxda ridada.

Dowladda dabadhilifka ah ee Sacuudiga ayaa horaantii bishan dib u soo celisay ari gaaraya 27,000 oo neef ka dib markii ay sheegtay in ay xoolahaas uga cabsi qabto cudurka Rifti-Faali, waxayna sheegtay in aysan ku qanacsaneyn baaritaanada caafimaad ee xoolahaas lagu soo mariyey Dakadaha Soomaaliya ka hor inta aanan la dhoofin.

In badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa aaminsan in talaabada ay qaaday xukuumada Riyaadh ee ay ku diiday xoolahaas uu salka ku hayo arimo siyaasadeed.

Related Items