Rasaas Lagu Furay Dhismaha Safaaradda Mareykanka Ee Wadanka Turkiga,

Monday August 20, 2018 - 09:52:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasaas Lagu Furay Dhismaha Safaaradda Mareykanka Ee Wadanka Turkiga,

    Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyay dhismaha safaaradda mareykanka ee magaalada Ankara caasimadda wadanka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyay dhismaha safaaradda mareykanka ee magaalada Ankara caasimadda wadanka Turkiga.

Wararka ka imaanaya Ankara ayaa sheegaya in rasaas xooggan saaka aroortii laga maqlay dhismaha safaaradda balse lamasoo sheegin khasaara ka dhashay weerarka lagu qaaday safaaradda.

Sarkaal u hadlay booliska dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyay in uu jiro weerar lagu qaaday dhismaha saafaradda balse wuxuu diiday in uu faah faahin ka bixiyo heybta ragga weerarka geystay.

David Gainer oo ah afhayeenka safaaradda Mareykanka ayaa isna sheegay in rasaas lahuwiyay xarunta balse aysan soo gaarin wax muujinaya dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shaqaalaha safaaradda.


Weerarkan ayaa cirka kusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya Washington iyo Ankara kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay isdhaafsanayay soo rogidda canshuuro adag oo dhanka ganacsiga ah iyo cambaareymo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items