Sawirro: Ciidamada Al Shabaab Oo Dhoollatus Melleteri Kusoo Bandhigay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wednesday August 22, 2018 - 11:03:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Al Shabaab Oo Dhoollatus Melleteri Kusoo Bandhigay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

    inta badan wilaayaatka islaamiga Ah ee dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa shalay lagusoo bandhigay dhoolatusyo melleteri oo ay sameynayeen ciidamada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inta badan wilaayaatka islaamiga Ah ee dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa shalay lagusoo bandhigay dhoolatusyo melleteri oo ay sameynayeen ciidamada Al Shabaab.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhoollatus melleteri kusoo bandhigay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada oo watay gaadiidka Tiknikada loo yaqaan ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada waxayna ku dhawaaqayeen haku dhigyo islaami ah, saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa shacabka Jilib ugu bishaareeyay in Feyllaha ay ka goyn doonaan shisheeyaha dalka kusoo duulay.

Dhoollatuskan Ciidan ayaa qeyb ka ahaa dabaal degga munaasabadda Ciiddu Adxaa oo si weyn looga oogay wilaayaatka islaamiga Soomaaliya.

Sidoo kale magaalooyinka Saakoow iyo Bu'aale oo dhammaantood katirsan gobollada Jubbooyinka ayay ciidamadu socod kusoo mareen.

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayay ciidamada 'Mujaahidiintu' shacabka fagaarayaal kula ciidayeen iyagoo socod kusoo maray bartamaha magaalada.
















Related Items