Sidee Al-Shabaab Ku Xasuuqday ciidamadii ku sugnaa xerada Bariire, kuna qabsaday dhamaan agabkooda (Muuqaal+Sawirro)

Friday August 24, 2018 - 20:28:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sidee Al-Shabaab Ku Xasuuqday ciidamadii ku sugnaa xerada Bariire, kuna qabsaday dhamaan agabkooda (Muuqaal+Sawirro)

    Mu'asasada Alkataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa galabta baahisay muuqaal cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso dagaalkii bishii September ee sanadkii hore ka dhacay Bariire ee lagu xasuuqay maleeshiyaatka uu Mareykanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Alkataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa galabta baahisay muuqaal cajiib ah oo ay ku soo bandhigeyso dagaalkii bishii September ee sanadkii hore ka dhacay Bariire ee lagu xasuuqay maleeshiyaatka uu Mareykanku soo tababaray ee loo yaqaano DANAB.


Filimkan ayaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida dagaalyahanada Al-Shabaab daqiiqado kooban gudahood gacanta u mariyeen saldhigga, una xasuuqeen ku dhawaad boqol Askari.

Muuqaalkan oo la daawan karo in ka badan 30 daqiiqo ah waxaa lagu arkayaa meydadka tobanaan ka tirsan maleeshiyaatka, burbur xoogan oo soo gaaray xerada, iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo qaatay dhamaan gaadiidkii iyo agabkii yaalay xerada.

Halkaan waxaan idiin kugu soo gudbineynaa muuqaallo kooban oo aan ka soo xulnay filimka ay baahisay Al-Shabaab gaar ahaan muuqaalka xerada iyo gaadiidka ku dhacay gacanta Xarakada Al-Shabaab.



Waxaan ka cudurdaaraneynaa in aynaan soo gudbin karin muuqaalada askarta lagu laayey dagaalka maadama ay yihiin horor ah oo aanan la daawan karin.

Toos Udaawo Video-ga.

Halkan ka daawo kana degso

 Hoos Ka Daawo Sawirrada





























Related Items