Golaha Baraarugga Islaamka Oo Tahniyad iyo Taczi Kasoo Saaray Istish-haadka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Tuesday September 16, 2014 - 18:40:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Baraarugga Islaamka Oo Tahniyad iyo Taczi Kasoo Saaray Istish-haadka Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

    GOB-ISLAM:-Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOB-ISLAM:-Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato.


بِسۡمِ ٱللهِ ٱلرَّحۡمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ

والحمد لله رب العالمين ، القائل في محكم تنزيله

وَلَا تَقُولُوا لِمَنْ يُقْتَلُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتٌ بَلْ أَحْيَاءٌ وَلَكِنْ لَا تَشْعُرُونَ

وقال تعالي ايضا

وَلاَ تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللّهِ أَمْوَاتاً بَلْ أَحْيَاء عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ (169) فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُواْ بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلاَّ خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلاَ هُمْ يَحْزَنُونَ (170) يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ اللّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللّهَ لاَ يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ


الشيخ المجاهد مختار أبي الزبير أمير حركة الشباب المجاهدين,صاحب البيع الرابح

Saxaabigii la oran jiray, Suhayb Al-Ruumi RC, oo kamid ahaa Saxaabadii ugu horaysay ee Diinta Islaamka qaadatay, ayaa markii uu ka hijroonayey, Magaalada Makka, ayaa waxaa soo dabagalay, Gaaladii Quraysheed. Markuu Arkay ayuu inta istaagay wuxuu ku yiri, "Waxaan wataa, Falaaro badan, waana og tihiin in aan ahay kan Idin kugu shiishka badan, markii Falaaruhu iga dhammaadaanna Seefta ayaan ku dagaalamayaa!".

Wuxuu yiri, Labo Arrimood mid doorta, "In aan xoolahayga Idin siiyo oo iga hartaan iyo in aan iska kiin difaaco?". Gaaladii Quraysheed waxay kala hareen oo doorteen xoolihii. Magaalada Madiina markii uu yimid ayaa Nabigu Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri,ربح البيع يا أبا يحيى ربح البيع يا أبا يحيى, Abuu Yaxyow Beecaagii waa liibaanay, Abuu Yaxyow Beecaagii waa liibaanay!.

Cumar Ibnu Khadaab ayaa Maalin wuxuu Suhayb ku yiri, maxaa Abuu Yaxya laguu yiri, Wiil Yaxya la yiraahdo ma lihide?, markaas ayuu oga sheekeeyey in Nabigu CS, Kuunyadaas ama Naynaastaas ugu yeeray!. Hadda waxaan leenahay, waxaa liibaanay, Beecii Al-Mujaahid, Sheekh, Xakkiimul Ummah, Sheekh Al-Amiir Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubayr, Ilaahay Jannada haka waraabiyo, Raalina hakka noqdo, Aamiin.

Noolashiisii, Adduunyo illaa hadda Aakhiro ayuu ku nool yahaye, waxaan sheegnay in uu yahay Xakkiimul Ummah Al-Soomaaliyah, waxaan caddaynay Walaheenna ama Ilaahay dartiis in aan u jecel nahay, hadda oo Ilaahay Shahaado siiyeyna waxaan leenahay, waxaan jecel nahay Jacayl dhamaystiran, Ilaahay Shahaadada haka Aqbalo, Samirna haka siiyo, Walaalaheenna Caalamka ku nool, gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab Almujaahidiin oo uu Amiirkooda ahaa!.

Waxaa Inkaar, halaag iyo Sumcad xumo kudhacday, kuwa Wadaaddada sheeganaya ee Riddoobay ee Caamada u sheegi jiray, Mujaahidiintu in ay gaalada u shaqeeyaan, laakiin Dad badan ma fahmin in dagaalka socda yahay, mid Dacaayad iyo Tareeso iskugu jira oo Gaalo iyo kuwo Muslimiin ahaan jiray oo Riddoobay u dhaxeeya!. Tolow Wadaadxumayaal, maxay ku hadli doonaan?.

Waxaan Xasuustaa dhacdadii Westgate, Masaajidyo Waqooyiga America ku yaalla Wadaaddo jooga ayaa Shir jaraa'id ku qabtay Masaajidkooda oo ku canbaareeyey weerarkii Westgate, sidoo kale Wadaaddo Nairobi jooga ayaa Caamada Teendhooyin u dhisay si ay Cunnooyin, Dhiig iyo Gurmad deg deg ah ay gaalada ugu u ruuriyaan!.

Markii aad Aragto Dad Muslimiin sheeganaya oo gaalada la damqanaya, Culimada Muslimiinta ee gaalada Diyaaradaha ku dilaysana ka Aamusaya, waxaad ogaataan Muslimiin in aysan ahayn ee ay Gaalada Walaal la yihiin, kana damqanayaan wixii gaalada gaara!.

Sida kuwaas Caqiidadooda fooshaxun u caddeeyeen ayaan waxaa Aniga iyo Muslimiinta Muwaxidiintaa u caddaynaynaa in aan Ilaahay dartiis u jecel nahay, Muslimiinta doonaya Shareecada Islaamka in ay hirgaliyaan!, waxaan neceb nahay kuwa neceb Muslimiinta Shareecada Islaamka hirgalinaya, waxaan jecel nahay kuwa jecel Muslimiinta.

Waxaa laga dharagsan yahay, Ninkasta in uu sheeganayo in uu Ilaahay jecel yahay ama Muslimiinta, laakiin waxaa lagu kala tagay Ficilka, waatii , Gabyaagii Carbeed uu lahaa.

تعصي الإله وأنت تظهر حبه هذا محال في القياس بديـع

لو كان حبك صادقًا لأطعتـه إن المحب لمن يحب مطيـع

في كل يوم يبتديك بنعمــة منه وأنت لشكر ذاك مضيع

"Ilaahay miyaad ku caasigaroobaysaa, ama caasinaysaa, Adiga oo sheeganaya in aad jeceshahay Ilaahay?, Arrinkaas Qiyaasta kuma wanaagsana ee haddii jacaylkaagu Run yahay, waxaad qaadan lahayd Amarka Ilaahay ama cidda aad jeceshahay ayaad la damqan lahayd, maxaa yeelay, Qofku wuxuu Amarkiisa qaataa, Qofka uu jecel yahay!.

Xaalku soo ma'ahan Ninkasta Ninkii uu jeclaa haraaco oo halla baroorto!, "Lakala Miiran yaye Ilaahow Mililiq ha iraacin!". Waxaan ka xumahay in aan Labo Qolo Daris la ahay, Abwaan Soomaaliyeed ayaa yiri, "Jilbiskiyo Abeesada marbaad jaar la noqoteene".

Amiirka cusub ee Xarakada Al-shabaab Almujaahidiin, Almujaahid, Sheekh Axmed Cumar, Abuu Cubaydah Xafidahullah iyo Mujaahidiinta Soomaaliya, haddii aan Gabyo, waxaan marin lahaa Suugaan Abwaan Soomaaliyeed iyo Abwaan Carbeed tiriyeen, maadaama aan Gob-Islam Afkeeda ku hadlayo ama Dhalinyarada, Baraarugga Islaamku gaaray.

"Gobanimay Jidkeedii Tahaye Saa Hallagu Joogo".

أُحبُّ الصَّالِحِينَ وَلسْتُ مِنْهُمْ لَعَلِّي أنْ أنَالَ بهمْ شَفَاعَهْ

وَأكْرَهُ مَنْ تِجَارَتُهُ المَعَاصِي وَلَوْ كُنَّا سَواءً في البضَاعهْ


Golaha Baraaruga Islaamka Waqooyiga America Iyo Yurub: Maktabka Cilmi Baarista Iyo Daraasaadka.

مكتب البحوث والدراسات في مجلس الصحوة الاسلامية

Saxafi, Abdiwali Dalboon, Waqooyiga, America, Minnesota.


Related Items