Xiisada Coladeed Oo Kajira Magaalada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo.

Saturday August 25, 2018 - 12:11:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Coladeed Oo Kajira Magaalada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo.

    Xiisado siyaasadeed ayaa kajira deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado siyaasadeed ayaa kajira deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada xabashida Itoobiya.

Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo oo shalay ay khalalaaso ka dhaceen ayaa lagusoo warramayaa in ciidamo hubeysan isku hor fadhiyaan, maleeshiyaad daacad u ah wasiiro katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah Jeneraal Bogmadoow ayaa isku hor fadhiyo xaafado magaalada katirsan.

Dibad bax rabshado watay ayaa shalay ka dhacay magaalada waxaana ku dhaawacmay wasiirka qorsheynta maamulka Axmed Madoobe.

Siyaasiyiin kasoo horjeedo maamulka 'Jubbaland' ayaa kusii qulqulaya magaalooyinka Beled Xaawo iyo Garbahaarey, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khilaafkii dhaxeeyay Farmaajo iyo Axmed Madoobe loo raray dhanka Gedo.


Dhinaca kale Afhayeenkii hore ee maamulka 'Jubbaland' ayaa si kulul u weeraray damac Axmed Madoobe ee uu ku doonayo xil kororsi, Cabdi Naasir Seeraar ayaa sheegay in dagaal sokeeye uu ka dhici doono Jubbada Hoose haddii Axmed Madoobe sii wado wax uu ku tilmaamay kaligii talisnimo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items