7 Sanadood Kadib Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Garoonka Stadium Muqdisho.

Tuesday August 28, 2018 - 16:35:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Sanadood Kadib Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Garoonka Stadium Muqdisho.

    Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa maanta si rasmi ah uga guuray garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho kadib todobo sanadood oo ay xoog ku joogeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa maanta si rasmi ah uga guuray garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho kadib todobo sanadood oo ay xoog ku joogeen.

Kumanaan katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa isaga guuray garoonka oo kaabiga ku haya wadada Warshadaha oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Kumanaan qof ayaa booqday garoonka saacado yar kadib markii ay isaga baxeen ciidamada shisheeye, gaadiid gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa isqabsaday wadada Warshadaha illaa iyo kuliyadda Jaalle siyaad oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin.

Sanaddii 2011 ayay ciidamada shisheeye dagaal ku qabsadeen isbartiibada Muqdisho, todobadii sanadood oo ay ku sugnaayeen garoonka ayay weeraro madaafiic ah iyo qaraxyo kala kulmayeen ciidamada Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items