Sawirro: Al Shabaab Oo 20 Askari Kenyaan Ah Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Gobolka Lamu.

Wednesday August 29, 2018 - 20:29:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo 20 Askari Kenyaan Ah Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Gobolka Lamu.

    Ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu laayay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu laayay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.



Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa  sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar khasaara badan dhaliyay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska dowladda Kenya.

Weerarka oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Kiyuunga iyo Maraani ayaa sababay dhimashada 20 askari oo katirsan ciidamada Booliska.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in ciidamadeedu gubeen laba gaari oo ay wateen ciidamada Kenya islamarkaana ay gacanta ku dhigeen saanad hub ah.



"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar Kamiin ah u dhigay kolonyo katirsan ciidamada dowladda saliibiga Kenya oo socdaalayay gobolka Lamu, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 20 askari laba baabuurna waa burburiyeen" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay qaateen 16 qori oo ahaa hubkii ay wateen ciidamada ladilay qaar kamid ah, qoryihii ciidamada afar kamid ah ayaa ku dhax gubtay gaadiidka laburburiyay.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo ku gubanaya dhulka Keymaha gobolka Laamu balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkan askarta badan looga dilay.





Related Items