Dowladda Ingiriiska Oo Joojisay Xayeysiis loo Sameeyay Dhaxal Sugaha Sacuudiga.

Wednesday August 29, 2018 - 20:09:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska Oo Joojisay Xayeysiis loo Sameeyay Dhaxal Sugaha Sacuudiga.

    Hay'adda Baahinta dowladda Ingiriiska ee Telefeshinnada iyo idaacadaha ayaa xaqiijisay in ay joojisay xayaysiis loo sameynayay dhaxal sugaha Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Baahinta dowladda Ingiriiska ee Telefeshinnada iyo idaacadaha ayaa xaqiijisay in ay joojisay xayaysiis loo sameynayay dhaxal sugaha Sacuudiga.

Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in ay joojisay xayeysiinta loo sameeyay Aragtida 2030-ka ee uu soo hindisay Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha iyo wasiirka difaaca Aala Sacuud.

"Hay'adda AFCOM waxay joojisay xayeysiis loo sameeyay dhaxal sugaha Sacuudiga oo ay kasoo muuqanayeen dumar gaadiid kaxaynaya iyo kaalinta shaleemadu ku leedahay sacuudiga" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Telefeshinka SKy News.

Hay'ado udooda xuquuqul insaanka ayaa dowladda ingiriiska ku cadaadiyay in ay joojiso xayeysiinta Bin Salmaan oo ay ku eedeeyeen in dambiyo dagaal uu ka geystay wadanka Yemen.


Aragta Bin Salmaan ee 2030 ayaa aad loo dhaliilay waxayna aragtidan dhulka Xarameynka ka dhigtay meel lagu faafiyo fisqiga islamarkaana beegsanaysa culimaa'udiinka iyo baraarugga islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items