4 Sanadood Kadib dilkii Sh.Abuu Zubeyr Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Maka harsadeen Weerarada Al Shabaab? [Warbixin].

Saturday September 01, 2018 - 12:15:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Sanadood Kadib dilkii Sh.Abuu Zubeyr Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Maka harsadeen Weerarada Al Shabaab? [Warbixin].

    Afar sanadood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii dowladda Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar sanadood oo kaamil ah ayaa kasoo wareegtay markii dowladda Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab.

1,September 2014 ayaa duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen Sheekh Abuu Zubeyr oo Hoggaaminayay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

6 Maalmood kadib istish-haadkii Sheekh Abuu Zubeyr ayay golaha shuuradaha xarakada waxay amiirka cusub ee xarakada u magacaabeen Sheekh Abuu Cubeyda .
 
Dowladda Mareykanka iyo hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada Soomaalida ayaa u dabaal degay dilka Sheekh Abuu Zubeyr iyagoo u arkayay mid wiiqaysay awoodda xarakada balse taasi ma dhicin oo xarrakada ayaa sii xoogaysatay.


Howlgalladii ugu xooganaa Abid oo ay la kulmaan ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa jiha wareer u horseeday shaxdii dagaalka ee udegsaneed shisheeyaha waxayna kusoo koobmeen in ay godad ka qotaan saldhigyad ay uga suganyihiin magaalooyinka qaar.

Halkan ka akhri magacaabista amiirka cusub PDF



Dhammaan ciidamada shisheeye waxay gabeen marxaladdii weerarka waxayna kusoo aruureen difaac arrinkaas waxaa usabab ah dhabar adeyga iyo dhiiranaanta dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq sidaas waxaa qiraya khubarada melleteriga.

Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydda ayaa markii uu hoggaanka u qabtay xarakada wuxuu agaasimay howlgallo lagu dilay ku dhawaad 900 oo askari kuwaasi oo sababay in ciidamada shisheeye ay isaga baxaan magaalooyin iyo deegaanno hor leh.

Weerarada lagu naafeeyay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka dhacay kadib istish-haadkii Sh.Abuu Zubeyr ayaa kala ah:-

1-Weerarkii Leego oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay in kabadan 70 Askari oo katirsan ciidanka Burundi.
2-Weerarkii deegaanka Jameeco oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay 60 Askari Itoobiyaan ah.
3-Weerarkii Ceel Cadde oo dhacay bishii Janaayo 2016 waxaa lagu dilay 200 Askari Kenyaan ah
4-Weerarkii Janaale oo dhacay Bishii September 2015 waxaa lagu dilay 55 Askari Yugaandheys ah.
5- weerarkii Kulbiyoow oo ciidanka Kenya looga dilay 57 askari.
6-weerarkii Golweyn oo 51 askari looga dilay ciidanka Uganda
7-weerarkii Halgan oo ciidanka Itoobiya looga dilay ugu yaraan 60 askari.

sidoo kale Al Shabaab ayaa gudaha wadanka Kenya ka fulisay weeraro dad badan lagu laayay waxaana ugu weynaa Weerarkii jaamacadda gaarisa oo lagu dilay 200 qof Kenyaan ah

Sidoo kale ciidamada Al Shabaab ayaa duullaan melleteri oo wax badan ka bedelay hanaanka dagaalka Soomaaliya ka fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Garasweyne,Halgan iyo deegaanno kale oo katirsan dalka Soomaaliya.

Khasaarihii ugu xooganaa ayaa soo duulayaasha AMISOM kasoo gaaray dagaalka Soomaaliya tan iyo markii uu shahiiday Sheekh Abuu Zubeyr taasi oo farriin cad u ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.

Dhinaca kale maanta oo kale 1,9,2014 waxay ku beegantahay sanadkii koowaad oo kasoo wareegay dagaalkii degmada Janaale oo ugu dambeyntii ciidamada AMISOM ku qasbay in ay dib uga gurtaan dhul ballaaran oo sh/Hoose katirsan.

Khubaro melleteri oo Reer galbeed ah ayaa sheegay in dilka Sh.Abuu Zubeyr uusan waxba ka bedelin dagaalka Soomaaliya islamarkaana Al Shabaab ay awoodeeda xoojisay iyadoo taageero ka helaysa qabaa’illada Soomaalida ee ku dhaqan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo ku qancay amniga iyo kala dambeynta ay soo rogeen maamullada islaamiga ah ee xarakada hoos taga.

Dardar gelinta weerarada naf-hurnimo ee lagusoo afjarayo saldhigyada ciidamada AMISOM waxay sababeen in ciidamada ka socda Ururka Midowga Afrika ay ka gabaan kaalintii duullaanka ayna ku aruuraan difaac taasi oo fursad usiisay ciidanka Xarakada in ay wiiqaan maleeshiyaadka Dowladda Federaalka oo markii hore carratuur u ahaa shisheeyaha.

Weerarada lagusoo Afjarayo saldhigyada ciidamada AMISOM waxaa barbar socday weeraro kale oo lagu qaaday saldhigyo melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada waxaana ugu waaweynaa weeraradaasi kuwii ka dhacay Beled Xaawo, Buula Guduur Bariire iyo deegaanka Af-Urur ee duleedka Boosaaso.

Xilligan oo marxalad kala guur dhanka amniga ah uu marayo duullaanka Soomaaliya 'Beesha Caalamka' maheyso ciidankii bedeli lahaa AMISOM waana fursad weyn oo Al Shabaab ay isha ku heyso.

Markii ay fadhiid noqdeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya,Burundi iyo Uganda ayay Mareykanku door bideen adeegsiga calooshood u shaqeystayaal caddaan ah oo Bangaraaf loo yaqaan kuwaasi oo iyagoo adeegsanayay diyaarado dagaal marmarka qaar weeraro deegaano dhaca gobollada Jubbooyinka iyo shabeellaha Hoose balse weeraradaasi wax weyn kumasoo kordhin saaxaadka dagaalka.

Dhanka Melleteriga oo kaliya Al Shabaab xoogga masaarine waxay maamulladeeda islaamiga ah ee ka jirta Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku tallaabsadeen waxqabad muuqda oo bulshada ay ugu adeegayeen, sidoo kale Al Shabaab waxay adkeysay midnimada hoggaankeeda iyadaa ka hortagtay isku dayo dhowr ah oo gacmo dibadda ah ku doonayeen in khilaafaad iyo kala qeybsanaan ay saaxada Jihaadka usoo raraan.

Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Qadar oo u adeegya Mareykanka ayaa magaalada Muqdisho ka furay Maraakiz ay ku sheegeen kuwa daraasaad balse ah xarumo Jawaasiis ah oo lagu abaabulo dhinacyo munaafiqiin ah kuwaas oo ujeedkoodu yahay in tashwiish ay ku furaan halganka shisheeyaha ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Hoos Ka Daawo sawirrada qaar kamid ah weeraradii Al shabaab ay cagta ku mariyeen saldhigyada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.









2345678910111213141516181920212223242526272829303132333435363738394041424344454647484950515253545556575859606162636465666768

 


 





































































































































Related Items