Dagaallo Saacado Qaatay Oo Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Deegaanno Katirsan Gobolka Gedo.

Sunday September 02, 2018 - 06:38:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Saacado Qaatay Oo Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Deegaanno Katirsan Gobolka Gedo.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaadiid ciidamada Itoobiya looga gubay gobolka bay
Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay shala gelinkii dambe ciidamada Xabashida Itoobiya iyo xoogaga Al Shabaab ku dhaxmareen wadada xiriirisa degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo.

Weeraro dhabbagal ah oo loo dhigay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa isku bedelay dagaallo waqti badan socday, warar laga helay goobta dagaalka ayaa sheegaya in dhowr qarax ay barbar socdeen dagaallada waxaana jira waxyeello gaartay gaadiid xamuul ah oo ciidamada Itoobiya ay isticmaalayeen.


Xoogaga Al Shabaab ayaa ku guuleystay in ay hakiyaan socodka ciidamada Itoobiya ee wadada xiriirisa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaareey, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasheegay in ciidamada Itoobiya ay kala kulmeen dagaaladii shalay.

Ciidamadan shalay uu dagaalku qabsaday ayaa isbuucii lasoo dhaafay saad melleteri ugelbiyay dhanka degmada Garbahaarey waxayna lagu kulmeen weeraro is xigxigay, isgaarsiinta gobolka Gedo ayaa isbuucii labaad ay marna jarayaan marna fasaxayaan ciidamada gummeysiga Itoobiya ee dhaq dhaqaaqyada melleteri sameynaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items