Video+Sawirro: Xarunta Maamulka Degmada Howlwadaag Oo Ku Burburtay Qarax Gaari loo Adeegsaday.

Sunday September 02, 2018 - 18:00:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Xarunta Maamulka Degmada Howlwadaag Oo Ku Burburtay Qarax Gaari loo Adeegsaday.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa gebi ahaanba burburiyay xarunta maamulka degmada Howlwadaag waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar iyo mas'uuliyiin.

Xubnaha weerarkan lagu dhaawacay waxaa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda dowladda Federaalka ugu magacaaban degmada Howlwadaag,sidoo kale weerarkan Naf hurnimo dhimasho iyo dhaawac ku noqday saraakiil iyo askar fara badan oo ku sugneed gudaha xarunta la burburiyay.


Gaadiidka caafimaadka ayaa tobaneeyo ruux oo weerarka ku dhaawacmay u daad gureeyay xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho, qaraxan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya qorshayaal ay xukuumadda Xasan Cali Kheyre ku sugaysay ammaanka xarumeheeda gobolka Banaadir.
Hoos Ka Daawo Video Muujinaya Burburka gaaray xarunta degmada Howlwadaag.









Related Items