Qiso Yaab Leh: Carruur Budad Ku Hubeysan oo Go'doon Galiyay General Caanood!.

Sunday September 02, 2018 - 18:29:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiso Yaab Leh: Carruur Budad Ku Hubeysan oo Go'doon Galiyay General Caanood!.

    Afar kamid ah carruurta ku dhaqan magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sameeyay qiso yaab leh oo dadkii arkay aad uga qoslisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar kamid ah carruurta ku dhaqan magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sameeyay qiso yaab leh oo dadkii arkay aad uga qoslisay.


Qisadan ayaa waxay timid kadib markii qoys ku dhaqan magaalada uu xilli subax ah jidka kusoo tuuray Doolli ama Jiir dhaawac ah oo malaha ku dhacay bir loo dhigay.

Doolligii oo dhutinaya ayaa billaabay in uu cararo sida ay ku warameen dad waaweyn oo sheedda ka daawanayay waxaana durbadiiba dhacday in ay carruurtii isku habar wacdaan si ay Jiirka u dilaan.

Si degdeg ah ayay isugu gedaameen iyagoo hadba dhinac u boodaya oo ku qeylinaya "Yuu kaa fakanin Janaraal Caanood"!.


Haddaba waxay halgamaanba ugu dambeyntii waxay carruurtii ka takhalluseen oo ay dhaawaciisii dhammeystireen Jiirkii ay ula bexeen Janaraal Caanood.

Intaasi kadib waxay goobta isaga tageen iyagoo aad u faraxsan oo u muuqda in ay si dhab ah usoo dileen Jeneraal Caanood islamarkaana oranaya Mareykankii aad ku faaneysay wax hakuu taro kuna dhawaaqaya takbiirta (Allaahu akbar).


In  caruurtu ay colaad noocan ah u qaadaan Jeneral Caanood ayaa waxaa loo sababeyn karaa dhowr arrimood, waa midda kowaade, isagoo dhawwaan ku duulay magaalada Marko, walibana maalmihii farxadda ee Ciidda  barakac u horseeday bulshada Rayidka, kadibna ay badatay hadal heyntiisa iyo habaarkiisa.

Tan labaad: Mu’asasada Al-kataa’ib oo soo saartay filimka qeybta 4aad ee (Waglud calayhim 4) oo lagu soo bandhigay dagaalkii Bariire iyo ceebtii ku dhacday Janaraal Caanood, filimkaas oo si aad ah looga daawaday dalka iyo dibaddaba.

Filimka waxaa kasoo muuqday Jeneraal Caanood oo si aad ah ugu faanaya Beesha Caalamka iyo ciidamada AMISOM in ay taageerayaan dowladda Federaalka ayna yihiin ciidamo ku tiirsan Mareykanka iyo dhammaan dowladaha taageera duullaanka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items