Sidee Caruurteena ugu Tarbiyeyn karnaa Tarbiyo wanaagsan? (Akhriso+Dhagayso)

Monday September 03, 2018 - 07:22:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Caruurteena ugu Tarbiyeyn karnaa Tarbiyo wanaagsan? (Akhriso+Dhagayso)

    Qoyska muslimka ah waxaa lagu tiriyaa aas-aaska bulshada muslimiinta, waxaana wanaagiisa uu ka dhiganyahay umadda oo hagaagta, kuna tallaabsata horumar dhanka diinta iyo aduunyada intuba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoyska muslimka ah waxaa lagu tiriyaa aas-aaska bulshada muslimiinta, waxaana wanaagiisa uu ka dhiganyahay umadda oo hagaagta, kuna tallaabsata horumar dhanka diinta iyo aduunyada intuba.


Muhiimada qoyska waxaa laga dheehan karaa abuurista Allaah cazza wajalla, markii uu Alle abuuray nabi Aadam wuxuu u abuuray hooyo Xawaa si ay wehel ugu noqoto, taranka basharkana uu u daa’imo, waxayna ahayd billowga aas-aaska Insaanka.

Markaan usoo noqono ciwaanka mowduuca, qoysku waa bar billowga cilaaqada iyo xiriirka ay caruurtu la yeelanayaan dadka, sidaas darteed waxaa qoyska muslim ka ah ku dhacaya waajibka ugu weyn marka laga hadlayo barbaarinta jiil rabaani ah, oo ka qeyb qaata dib u dhiska umadda iyo soo celinta sharafkeeda lagu tuntay.



Waxyaabaha aasaasiga ah, nagana saacidaya inaan soo saarno jiilka noocaas ah waa tarbiyada wanaagsan, oo ah in caruurta lagu barbaariyo mabaadi’da islaaamiga ee toosan, diinteena ayaana ah marjica koowaad iyo isha aan ka qaadaneyno axkmaanta diineed iyo mida aduunyadaba.

Halkan waxaan kusoo gudbineynaa dhowr tallaabo oo muhiim ah, lagana rabo waalidka si ay inoogu soo baxaan Jiil toosan, umadana wax tara.


Arinta koowaad, waa in waalidku noqdaa qof yaqaana diinta islaamka, micnaha ma ahan inaan ka wadno waa qasab inuu noqdo caalim weyn, ee ujeedku waxa uu yahay inuu waalidku barto aasaasiyaadka diinta islaamka, iyo masaa’ilka ay culimadu ugu yeereen " Al-macluum mina diin bidarruura”, sida Towxiidka, salaadda, iyo waxyaabaha lamidka ah.

Arintan waxay kaa saacideysaa inaad maskaxada caruurtaada ku beerto mabadaa’ida toosan, maxaa yeelay qofina waxaanu heysan ma bixin karo, haddii adigu aadan aqoon u lahayn mabaadi’da islaamiga ee saxan waa mustaxiil inaad caruurta barto mabaad’daas.

Qodobka labaad ee waalidka laga doonayo waxay tahay, waa inuu noqdaa qof wanaagsan oo ay caruurtiisu ku daydaan.

Aabayaasha ayaa ah dadka ugu horeeya ee ay caruurtu ku daydaan, saameyn adag ayayna ku leeyihin dhaqannada caruurta, sidaas darteed waxaa Aabayaasha laga doonayaa iney ilaaliyaan hab dhaqankooda si gaar ah marka ay caruurta la joogaan.

Aabe, waa inaad ka digtoonaataa wax weliba oo dhaqan xumo ah, adigoo u baqaya aakhiradaada kadibna u naxaya mustaqbalka caruurtaada, maskaxda caruurtu wa memory faaruq ah oo keydinaya wax weliba oo uu a rko, wanaag iyo shar intuba. Sidaas darteed waa inaan memrigaas faaruqa ah ku duubnaa wax wanaagsan.

Qodobka saddexaad ee muhiimka ah waa in caruurta lagu hagaa jacayl iyo daryeel, labadan arin waxay saameyn muuqata ku leeyihin caruurta, marka ay aad u yaryihiinna waa mamnuuc in la ciqaabo, laguna ad-adkaado.

Waa inaan u towjiihinaa si naxriis iyo rifqi ay ku jirto, adigoo u muujinaya inaad jeceshahay, waxaana la isla ogyahay in caruurtu haddii ay ku jeclaadaan ay warkaadana yeelayaan.

Qodobka afraad ee muhiimadda gaarka ah xambaarsan waxa uu yahay in caruurta lagu beero in Allaah Cazza wajalla uu mar weliba u jeedo, uuna arkayo hab dhaqankooda.

Khaladaadka waaweyn ee ay waalidiintu ku jiraan haba ugu badnaandaan hooyooyinka waxaa kamid ah in caruurta arimo gaar ah lagu cabsiiyo, sida waxaan kuu sheegayaa aabe, macallinka ayaan kugu dacweynayaa iyo waxyaabaha lamidka ah.

Arintaas waxay keeneysaa in caruurtu cadaawada gaar ah u qaadaan qofka lagu cabsi gelinayo, iyo in marka shakhsiyaadka lagu cabsi gelinayo ay maqanyihin ay la yimaadeen hab dhaqan xun iyo madax adeyg.

Waxaa la doonayaa in caruurta loo sheego, lana dareensiiyo in Allaah cazza wajalla uu mar weliba arkayo, uuna u jeedo waxa waalidiinta ka qarsoon, lagana doonayo iney ku dadaalaan cibaadaadka wanaagsan.

Tusaale mar weliba waxaad u sheegeysaa micnaha aayad quraan ama xadiith, waxaad bareysaa sida loo guto shey wanaagsan oo diinta kamid ah, sida qaabka loo tukado salaadda, sida salaanta loo raddiyo, qaabka loo ixtiraamo dadka waaweyn, sunnooyinka marka raashiinka la cunayo, adkaarta la akhrinayo marka guriga lasoo galayo, iyo waxyaabo kaloo badan.

Muda kadib waxaad arki doontaa inshaa’Allaah in waxyaabihii aad bartay ay kamid noqdeen dhaqankooda, mar welibana ay daa’imaan.


 

Qodobka shanaad ee isagana muhimadda gaarka ah xambaarsan waa inaadan is dhihin canugaadu waa yarhay, mana gaarin waxbarashada.

Waxaad ogaataa in caruurtu iyagoo aad u yar ay leeyihiin awood ay wax ku xifdiyaan, waxna lagu baro, sidaas darteed ha fududeysan ilmahaaga, kana faa’ideyso maskaxdaas faaruqa ah oo ku shub wax naftooda iyo muslimiintaba maslaxad ay ugu jirto.

Waxaa kaloo muhiim ah in caruurta la dareensiiyo waxa ka socda hareerahooda, waa in loo sheegaa in gaaladu ay kusoo duuleen muslimiinta, iyagana laga doonayo iney wax ka bedelaan mustaqbalka xaaladda ay ku noolyihiin muslimiinta.

Mararka qaar iyadoo la ilaalinayo maxkaxda caruurta, hadana waa in loo sheegaa dhibaatada ay gaaladu u geysteen muslimiinta, si ay u caroodaan, uguna fakaraan aargudasho, berina loogu sheekeynin in gaaladu ay saaxiibo nala yihiin sida maantaba ay dad waaweyn caruurtaada ugu sheekeeyaan oo kale.

Ugu dambeyn, caruurta waa in loo diraa goobaha waxbarashada, waa in lagu xiraa qof sheekh ah oo ku wanaagsan tarbiyada caruurta, waxay arintas saameyn weyn ku leedahay shakhsiyadda ubadka yar.

Dhaqankan oo hadda inta badan ay dadku ka tageen waxaa lahaan jiray salafka, hooyada dhashey imaamu Maalik ayaa wiilkeeda oo aad u yar waxay u xiri jirtay labiska culimada, iyadoona u diri jirtay goobaha xalaqaadka, si uu uga soo barto diinta islaamka, hooyada dhashey Ibnu teymiyah ayaa iyadana sidaas oo kale ahayd, labadaas wiilna waxay markii dambe noqdeen culimada ugu waaweyn ee diinta islaamka.

Gebe-gebadii, waalidka waxaa la gudboon inuu ku sabro, ixtisaabna la yimaado inta uu ku jiro masiirada tarbiyeynta caruurta, waa mas’uuliyad aad u weyn, balse qofkii dadaala, Allaahna kaashada wuxuu miraha dadaalkiisa ka arki doonaa qoyskiisa, iyo bulshada muslimka ah.

Umadina xaalkeeda ma xumaado, illaa marka ay fashaado tarbiyeynta caruurteeda iyo dhaqanka dhalinyaradeeda moooye!!.

Halkan ka dhagayso Warbixin ka hadleysa sida Tarbiyo wanaagsan Loogu tarbiyeeyo Caruurta.

Xigasho: Idaacadda Alfurqaan

Related Items