Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka furmay shir ay leeyihiin hoggaamiyaasha maamul goboleedyada gummeysiga la shaqeeya ee kajira dalka Soomaaliya.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Axmed Madoobe waxay dhinacyadu uga
arrinsanayaan khilaafka xooggan ee kala dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo qaabka
ay u wajahayaan faragelin ay sheegeen in xukuumadda Kheyre ku heyso arrimaha
maamulladooda.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka lagu
arkayaa ciidamo katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo kuwa Kenya.
Hogaamiyaasha madasha ku sugan waxaa kamid ah Cabdi Wali Gaas,Shariif
Sakiin,Axmed Ducaale Geelle Xaafd, Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Madoobe oo
Marti loo yahay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaamiyaashan qowsaarrada u ah gummeysiga ay
dhisan doonaan hoggaan cusub ayna soo saari doonaan warsaxaafadeed ay ku
dhaleecaynayaan hanaanka ay wax umaamulayaan Kheyre iyo Farmaajo.
Shirkan oo ah midkii sedaxaad oo ay yeeshaan madaxda kuwa isku magacaabay 'Dalladda
iskaashiga Maamul goboleedyada' ayaa caqabad ku ah dowladda fadhiidka ah ee ka
jirta magaalada Muqdisho.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Qowsaarrada Gummeysiga Oo Kulan Ka Dhan Ah DF Uga Furmay Magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka furmay shir ay leeyihiin hoggaamiyaasha maamul goboleedyada gummeysiga la shaqeeya ee kajira dalka Soomaaliya.