Sawirro: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Sarkaal Lagu Dhaawacay Oo Ka Dhacay Ex.Control Afgooye.

Monday September 03, 2018 - 21:21:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Sarkaal Lagu Dhaawacay Oo Ka Dhacay Ex.Control Afgooye.

    Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax lagula beegsaday xaafadda Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax lagula beegsaday xaafadda Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo ka dhax dhacay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay Taliye ku xigeenka Suuqa Geela Dowladda Federaalka ee deegaannada dhaca duleedka Muqdisho sida Siinka dheer illaa Ceelasha Biyaha.

Bootaan Xuseen ayaa ahaa madaxii Canshuuraha ee deegaannada dhanka Galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah gaar ahaan wuxuu wasaaradda Maaliyadda mas'uul uga ahaa lacagta Canshuurta ah ee laga qaado ganacsatada Geela.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxa sarkaalka lagu dhaawacay sida ay baahisay Idaacadda Andalus



"Mujaahidiinta ayaa qarax ku beegsaday sarkaal katirsan Kooxda Ridada oo lagu magacaabo Bootaan Xuseen Cali xilli uu marayay halka loo yaqaan Ex-koontorool Afgooye, dhaawac culus ayaana soo gaaray oo lug iyo gacan ayuu ka go'ay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Bootaan Xuseen uu muddo sanada ah waaxda Canshuuraha ee hoostagta wasaaradda Maaliyadda mas'uul uga ahaa suuqyada xoolaha duleedka Muqdisho.


Related Items