Cudurka Daacuunka Oo Dad Ku Laayay Koonfurta Dalka Ciraaq.

Tuesday September 04, 2018 - 11:34:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Daacuunka Oo Dad Ku Laayay Koonfurta Dalka Ciraaq.

    Wadanka Ciraaq waxaa markale dib uga bilaawday kacdoonnada ay dhigayaan dadka shiicada ah ee xoogga ku heysta talada wadanka waxaana barbar socda xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya siyaasiyiin iiraan iyo mareykanka gacan saarka laleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Ciraaq waxaa markale dib uga bilaawday kacdoonnada ay dhigayaan dadka shiicada ah ee xoogga ku heysta talada wadanka waxaana barbar socda xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya siyaasiyiin iiraan iyo mareykanka gacan saarka laleh.

Boqolaal kun oo qof ayaa dibad baxyo ka dhigaya magaalooyin dhowr ah oo dhaca koonfurta wadanka ciraaq kuwaas oo ka cabanaya faqri iyo nolol xumo baahsan.

Magaalada Albasrah oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Ciraaq ahna magaalada gobolkeeda ay kuyaallaan ceelasha shidaalka ee ugu waaweyn wadanka waxaa kajirta dhibaato dhanka biya yarida ah.

Cudurka daacuun caloolaha ayaa boqolaal qof ku dilay halka kumanaan kale ay la ildaranyihiin, Ciraaq oo ah wadanka labaad ee ugusoo shidaal saarista badan caalamka ahna wadan leh kheyraad ayay dadkiisi hadda gaajo iyo cudurro la ildaranyihiin arrinkaas oo muslimiinta ku dhaqan mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe aad ula yaabeen.


Dad dibad bax ka oogay magaalada Albasrah ayaa ka cabanaya biyaha wabiyada oo wasaqoobay kadib markii qashin qub ay ka dhigeen dadka faqriga ah ee Koonfurta Ciraaq kunool.

Faqriga iyo shaqa la'aanta ayaa ah kuwa halakeeyay bulshada arrimahan waxaa sabab unoqday boobka dhaqaalaha iyo kheyraadka muslimiinta ay ku hayaan dowladaha Mareykanka iyo shiicada iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items