Xeer Ilaalinta Dowladda Sacuudiga Oo soo jeedisay in la dilo Sheekh Salmaan Al-cowda

Wednesday September 05, 2018 - 09:48:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaalinta Dowladda Sacuudiga Oo soo jeedisay in la dilo Sheekh Salmaan Al-cowda

    Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee maamulka Aala-Sucuud uu ka arrimiyo waxay sheegayaan iney billaabatay in si qarsoodi ah maxkamado loo soo taago culimada ugu caansan ee dhawaanahan lagu xiray xabsiyada maamulkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee maamulka Aala-Sucuud uu ka arrimiyo waxay sheegayaan iney billaabatay in si qarsoodi ah maxkamado loo soo taago culimada ugu caansan ee dhawaanahan lagu xiray xabsiyada maamulkaas.


Warar dhabnimadooda la rumeysan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Salmaan Al-cowda oo kamid ah culimda ugu caansna ee la xiray sanadkii hore lasoo taagay maxkamad qarsoodi ah.

Xeer ilaalinta maamulka Aala-Sucuud ayaa sheekha usoo jeedisay 37 eedeyn oo la xiriira waxa loogu yeero "argagixisidaā€¯, waxayna maxkamadda ka codsatay in sheekh Salmaan Al-cowda lagu rido xukun dil ah, si tacziir ahaan.

Shabakadda soo gudbisa wararka maxaabiista ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud ayaa hoosta ka xarriiqday in xaaladda caafimaad ee sheekh Salmaan ay aad u liidato, islamarkaana lagu celiyay xabsi ku yaala magaalada Jiddah oo markii hore la dhigay.



Dhawaan ayaa wiil uu dhalay sheekh Salmaan oo lagu magacaabo Cabdalla Al-cowda wuxuu shaaca ka qaaday in xaaladda aabihiisa ay aad u liidato, islamarkaana uu dhawaan dadka la wadaagi doono macluumaad la yaab leh oo uu helay.

Waxaa muuqata macluumaadkaas uu ballanqaaday iney tahay midan oo ah in sheekha maxkamad lasoo taagay, laguna eedayay inuu yahay "Argagaxisoā€¯, waxaana hadda laga doodayaa in la dilo iyo in kale.

Kumanaan ruux oo isugu jira culimo rabaaniyiin ah, kuwa ka ag dhawaa maamuladii soo maray Aala-Sucuud, ganacsato, Aqoonyahanno, iyo dhalinyaro ayaa ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, kuwaas oo la kulmaya xadgudub nooc weliba leh.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items