Daawo Video: Jawaasiistii Dishay Hoggaamiyaashii Al Qaacidada Jaziiradda Carabta Oo Gacanta Lagu Dhigay Asraar Badana Kashifay.

Wednesday September 05, 2018 - 20:23:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Jawaasiistii Dishay Hoggaamiyaashii Al Qaacidada Jaziiradda Carabta Oo Gacanta Lagu Dhigay Asraar Badana Kashifay.

    Mu'asasada Almalaaxim oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al Qaacidada Jaziradda Carabta ayaa faafisay maaddo muuqaal ah oo lagusoo bandhigayo tiro Jawaasiis halis ah oo hoggaamiyaal badan laayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Almalaaxim oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al Qaacidada Jaziradda Carabta ayaa faafisay maaddo muuqaal ah oo lagusoo bandhigayo tiro Jawaasiis halis ah oo hoggaamiyaal badan laayay.

Video-gan oo la daawan karo qadar 40 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo ah waxaa kasoo muuqanaya Koox Jawaasiis ah oo ku lug lahaaday falal dambiyeedyo ay ku gacan siinayeen sirdoonka reergalbeedka iyo dowladda Sacuudiga.

Jawaasiista soo muuqanaysa ayaa qiraya falalka basaasnimo oo ay ugu shaqeynayeen cadowga muslimiinta, Alqaacidada Jaziiradda Carabta waxay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in gacanta lagu dhigay raggii mas'uulka ka ahaa dilka inta badan hoggaamiyaashii Mujaahidiinta ee mareykanku duqeeyay.


Filimkan oo loogu magac daray "Burburinta Jawaasiista" ayaa muuqaal guud ka bixinaya guushka sirdoonka Al Qaacidda ka gaareen soo afjaridda unugyadii jawaasiista u shaqeynayay Mareykanka iyo xulufadiisa mandiqadda.

Jawaasiista lasoo bandhigay waxaa kamid ah kuwii dilay Sheekh Abuu Basiira Naasir Alwuxeyshii Amiirkii Al Qaacidada Jaziiradda iyo culimo ay kamid ahaayeen Sheekh Ibraahiim Alrubeyshi,Xaarith Nadaari,Khowlaan Alsancaani iyo kuwa kale.

Halkan Toos uga daawo Filimka Burburinta Jawaasiista Facebook.
halkan linki toos ah ku degso MP4
Daawasho toos ah 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items