Duuliye Mareykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Sacuudiga.

Saturday September 08, 2018 - 10:06:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuliye Mareykan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Sacuudiga.

    Wararka ka imaanaya wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay kusoo dhacday meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay kusoo dhacday meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

Ugu yaraan Tababare Mareykan ah ayaa dhintay duuliye sacuudiyaan ahna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii diyaarad Helicopter kulasoo dhacday hawada magaalada Riyaadh.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ilaalada qaranka Sacuudiga ayaa sheegay in shil diyaaradeed uu ku dhintay duuliye American ah oo lagu magacaabi jiray Paul Reddy islamarkaana uu dhaawac soo gaaray sarkaal lagu magacaabo Hishaam Bin Cabdi Caziiz Aala Sheekh oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada ilaalada Qaranka Aala Sacuud.


Diyaaradda Helicopter-ka ayaa dhacday daqiiqado yar kadib markii ay kasoo duushay garoonka Khasham Alcaan ee magaalada Riyaadh halkaas oo saraakiisha Americanka ah ay tababarro kusiiyaan ciidamada Cirka Aala Sacuud.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in shilka uu yahay midkii ugu horraysay oo qabsada ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada maamulka Aala Sacuud.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items