Ciidamo Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

Saturday September 08, 2018 - 21:02:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Jabuutiyaan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Buula Burde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay ciidamo katirsan dowladda Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay ciidamo katirsan dowladda Jabuuti.

Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Buula Burde ayaa sababay dhimashada laba Askari Jabuutiyaan ah iyo dhaawac soo gaaray tira kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax lala helay goob isku imaatin ah oo Maandooriyaha Khaadka ay ku cunayeen maleeshiyaadka Jabuuti uu khasaara dhaliyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo mid kamida uu katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka halka midka kale uu ahaa Jabuutiyaan.


Ciidamada Jabuuti ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Jabuuti markii uu qaraxu dhacay balse caawa maqribkii ayay isgaarsiinta magaalada hawada dib ugusoo laabatay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa lala beegsaday ciidamada Jabuuti sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items