Weerar Ka Dhacay Saldhig Ciidamada Dowladda Ku leeyihiin Huriwaa.

Sunday September 09, 2018 - 11:57:25 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Ka Dhacay Saldhig Ciidamada Dowladda Ku leeyihiin Huriwaa.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa markale ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xalay saqdii dhexe dagaal culus ayaa ka dhacay xaafadda Shaneemo Cabdi Waayeel ee degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar ku mireen saldhig  ciidamada dowladda Federaalka ay ku lahaayeen dhismaha Cabdi Waayeel.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, war rasmi ah oo kasoo baxay AlShabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda u suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta saldhigga.


Ciidamada dowladda Federaalka ayaa isaga firxaday saldhigga kadib muddo ku dhow saacad oo dagaallo culus socdeen, habeen hore ayay aheyd markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladdu ka sameysteen saraha Ceymiska degmada Yaaqshiid.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items