70 Katirsan Dagaalyahannada Xuutihiyiinta Oo Lagu Dagaal Ka Dhacay Dalka Yemen.

Sunday September 09, 2018 - 20:40:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    70 Katirsan Dagaalyahannada Xuutihiyiinta Oo Lagu Dagaal Ka Dhacay Dalka Yemen.

    Dagaallo culus ayaa la sheegay in ay dib uga qarxeen mid kamida magaalooyinka ugu muhiimsan ee lagu loolamayo wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa la sheegay in ay dib uga qarxeen mid kamida magaalooyinka ugu muhiimsan ee lagu loolamayo wadanka Yemen.

Wararka ka imaanayada Koonfurta dalka Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ku hoobteen dagaal dib uga qarxay magaalada dekadda leh ee Al Xudeyda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 70 dagaalyahan oo Xuuthiyiin ah iyo 11 katirsan ciidamada isbaheysiga Carabta lagu dilay dagaal galabta ka dhacay meel ku dhow dekadda caalamiga Alxudeyda.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan habsami usocodka dekadda magaalada oo ah isha kaliya oo ay kasoo degaan gargaarka ay ubaahanyihiin dadka Yemeniyiinta ah ee lagu dul dagaallamayo.


Wariyaal ayaa soo sheegaya in dagaalkii maanta uu ka dhiganyahay jabkii ugu xooganaa oo dagaalyahanada Shiicada Xuuthiyiinta kasoo gaara Hardanka dagaalka Al Xudeyda oo soo billaawday bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items