Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Burburiyay Xarunta Degmada Hodon.

Monday September 10, 2018 - 11:15:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Burburiyay Xarunta Degmada Hodon.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa dhaliyay burbur xooggan oo gaaray dhismaha xarunta maamulka degmada Hodon.

Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gaarigiisa ku qarxiyay bartamaha xarunta degmada Hodon ee bartilmaameedka ku aheyd.

"Mujaahid istish-haadi ah ayaa gaari ku beegsaday xarunta Kooxda Ridada ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, camaliyadda ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay murtadiinta iyo burbur xooggan oo gaaray dhismaha"ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Dhimashada ka dhalatay qaraxan ayaa tobaneeyo gaaraya balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa ah xasaasi waxaana ammaankeeda si aad ah u ilaaliya ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska waxaana muuqata in weerarada Al Shabaab ay baajin la'yihiin dhammaan dhinacyada ku lugta leh sugidda Ammaanka Muqdisho.

2-dii Bishaan September ayay aheyd markii weerar midkan lamid ah lagu burburiyay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana isla weerarkaas mas'uuliyaddiisa sheegatay Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items