Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo Ku Fashilmay in Ay Qabsadaan Deegaanka Basra.

Monday September 10, 2018 - 12:29:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo Ku Fashilmay in Ay Qabsadaan Deegaanka Basra.

    Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Basra ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykanka iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo xoogaga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Basra ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykanka iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo xoogaga Al Shabaab.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ayay Al Shabaab u suurtagashay in ay iska caabiso ciidamadii huwanta ahaa ee saaka aroortii ka baxay degmada Afgooye.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo American ah iyo kuwa dowladda Federaalka lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Afgooye kadib markii ay lasoo kulmeen iska caabin adag oo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaartay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay maamulayaan deegaanka Basra iyo tuulooyinka hoos yimaad, Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa sheegtay 'in Mujaahidiintu si adag isaga difaaceen weerar uga yimid ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah'.


Dad ku sugan duleedka galbeed ee degmada Balcad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaal adag kadib ciidamadii huwanta ahaa lagu qasbay in ay dib ugu gurtaan halkii ay kasoo duullaan tageen oo Afgooye ah.

Bishii lasoo dhaafay ayay ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyaadka Dowladda sidaan oo kale ugu fashilmeen in ay qabsadaan deegaanka Basra.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items