Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jabuuti Lagula Beegsaday Beled Weyne iyo Duleedka Muqdisho.

Tuesday September 11, 2018 - 20:09:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jabuuti Lagula Beegsaday Beled Weyne iyo Duleedka Muqdisho.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ciidamo lala beegsaday
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maanta duhurkii ayuu qarax miino qabsaday gaari Cabdi bile ah oo ku socdaalayay deegaanka Calamada ee galbeedka Muqdisho, goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in askari Jabuutiyaan ah uu ku dhaawacmay qarax Miino.

Qaraxa oo haleelay gaari dagaal wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada Beled weyne xilli ciidamada Jabuuti ay howlgal roondeyn ah sameynayeen, dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari uu ku dhaawacmay  qaraxa waxyeello xoogganna ay gaartay gaariga qaraxa lagu beegsaday.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada ka dhacay magaalada Beled Weyne iyo duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items