Al Shabaab Oo Qarxisay Gaari Ay la Socdeen Ciidamada Booliska Kenya.

Tuesday September 11, 2018 - 21:11:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Qarxisay Gaari Ay la Socdeen Ciidamada Booliska Kenya.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen deegaannada dhaca xuduud beenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen deegaannada dhaca xuduud beenaadka.

Qarax Miino ayaa la xaqiijiyay in lagu beegsaday gaari Faaroow ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan Booliska Kenya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay wadada isku xirta deegaannada Ceelraam iyo Dabaasiti.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa waxayna xarakadu xaqiijisay in gaariga qaraxa lagu beegsaday uu burburay balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Dhinaca kale Booliska dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in qarax lala helay mid kamida gaadiidkooda inkastoo aysan dowladda Kenya faah faahin ka bixin khasaaraha dhankeeda soo gaaray.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items