FBI "Dhalinyaro Soomali ah Ayaa Suuriya Ujihaad doontay Halis ayayna nagu yihiin".

Friday June 13, 2014 - 20:39:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    FBI "Dhalinyaro Soomali ah Ayaa Suuriya Ujihaad doontay Halis ayayna nagu yihiin".

    Taliska Hay'adda FBI-da Mareykanka ayaa walaac ballaaran kamuujiyay dhalinyarada Soomaali Mareykanka ah ee ujihaad doonanaysa dhanka dhulka Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Hay'adda FBI-da Mareykanka ayaa walaac ballaaran kamuujiyay dhalinyarada Soomaali Mareykanka ah ee ujihaad doonanaysa dhanka dhulka Shaam. Sarkaal katirsan laamaha ammaanka dalka Mareykanka ayaa Soomaalida degta magaalada Minneapolis ku eedeeyay in ubadkooda ay ka baajin waayeen safarka dhanka dalka Turkiga.

Kyle Loven oo warbaahinta lahadlay ayaa xaqiijiyay in 15 Soomaali Ah ay ku biireen xoogaga Jihaadka ka wadanka Suuriya ee ladagaalamaya nidaamka Bashaar Al-asad.

"Soomaalida Mareykanka gaar ahaan xaafadda St Palu ee Minneapolis waxay ku guuldaraysteen in dhalinyarada ay ka joojiyaan safarka dhanka Turkiga ugu dambeyntiina taasi waxay sababtay in 15 Soomaali ah ay Jihaadiistayaasha Suuriya ku biiraanā€¯ayuu yiri Kyle Loven.


Tobaneeyo Soomaali ah ayaa qeyb ka ah jamaacaadka jihaadiga Suuriya ,sanadihii 2009,2008 ayay dalka Soomaaliya usoo nafiireen dhalinyaro Soomaali Mareykan ah iyagoona qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay halka kuwa kale ay shahiideen.

Related Items