Dagaallo Ka Dhacay Magaalada Marka iyo Mas'uul Katirsanaa Wasaaradda Qorsheynta Oo Muqdisho Lagu dilay.

Tuesday September 11, 2018 - 21:33:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay Magaalada Marka iyo Mas'uul Katirsanaa Wasaaradda Qorsheynta Oo Muqdisho Lagu dilay.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose oo bishii lasoo dhaafay ay qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose oo bishii lasoo dhaafay ay qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weeraro xooggan ku asqeeyeen saldhigyada ciidamada dowladda kadibna waxaa bilaawday dagaal fool ka fool ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay caawa Fiidkii ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac, wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab lagu arkay dhowr xaafadood oo magaalada Marka katirsan.

Dhinaca kale xoogag katirsan Al Shabaab ayaa mas'uul katirsanaa wasaaradda Qorsheynta ku dilay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.


Cumar Xasan Ganeey oo kamid ahaa mas'uuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayay rag bastoolado ku hubeysan ku dileen meel ku dhow isgoyska KPP ee degmada Hodon, Xarakada Al Shabaab ayaa lasoo degdegtay sheegashada mas'uuliyadda dilkan sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items