Sedax Maamul Goboleed Oo Bilaabay Dhaqan gelinta Go'aammadii Shirkii Kismaayo.

Wednesday September 12, 2018 - 12:36:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Maamul Goboleed Oo Bilaabay Dhaqan gelinta Go'aammadii Shirkii Kismaayo.

    Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafaadka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo hoggaanka dowladda Federaalka tan iyo markii uu soo gaba gaboobay shirkii Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafaadka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo hoggaanka dowladda Federaalka tan iyo markii uu soo gaba gaboobay shirkii Kismaayo.

Illaa sedax maamul goboleed ayaa ku dhawaaqay in ay dhaqan gelinayaan go'aamadii shirkii Kismaayo ayna xiriirka si rasmi ah ugu jareen dowladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta maamulka 'Koonfur galbeed' ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Bayadhabo ku sheegay in ay dhaqan gelinayaan qodobadii kasoo baxay hoggaanka maamul goboleedyada.

Dhinaca kale maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa iclaamiyay in ay bilaabeen dhaqan gelinta wixii kasoo baxay shirkii magaalada Kismaayo, sedaxdan maamul goboleed ayaa ah kuwa daran ee sida aadka ah ugasoo horjeeda Farmaajo iyo Kheyre.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items