Xoogaga Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Labo Saldhig oo Ciidamada Dowladdu Ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho.

Thursday September 13, 2018 - 08:25:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Labo Saldhig oo Ciidamada Dowladdu Ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay weeraray labo fariisin oo ay askarta dowladda ku lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo ay wararku xaqiijinayaan in ay u suura gashay in ay saldhigyadaasi la wareegaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay weeraray labo fariisin oo ay askarta dowladda ku lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo ay wararku xaqiijinayaan in ay u suura gashay in ay saldhigyadaasi la wareegaan.


Labada saldhig ee la weeraray waxay ku yaallaan degaanka Suuqa xoolaha  ee degmada Huriwaa gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo halla loo yaqaan biya degeenka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Al Shabaab ee weerarka qaaday ay cagta mariyeen labada saldhig ee ay weerareen, idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadashay ayaa baahisay in ciidamada Al Shabaab ay askar badan ku dileen weerarada islamarkaana ay daabusheen saanado hub ah.

Dad ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen.



Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo  ku aaddan dhacdadan, Weerarada cag marinta saldhigyada ayaa waxay caan ku ahaayeen inta badan fariisimayaasha shisheeyaha iyo maleeshiyaadka Soomaalida  ee ku yaalla meelaha ka baxsan magaalada caasimadda balse waxaa haatan muuqanaysaa in ubucdii hoose ee dowladda ay soo gaareen hawl gallada noocan ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items