Mukhtaar Rooboow Oo la sheegay in uu Kamid Yahay Musharraxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Thursday September 13, 2018 - 12:06:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Rooboow Oo la sheegay in uu Kamid Yahay Musharraxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa magaalada Muqdisho kulan lagu sheegay xasaasi kula qaatay siyaasiyiin musharixiin ah oo doonaya in ay hoggaanka uqabtaan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa magaalada Muqdisho kulan lagu sheegay xasaasi kula qaatay siyaasiyiin musharixiin ah oo doonaya in ay hoggaanka uqabtaan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Max'med Mursal ayaa shiriyay ragga ugu cadcad in ay Shariif Sakiin dhinac uga riixaan maamulka Fadhiidka ah ee ciidamada Itoobiya ku waradiyeeyaan magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa kasoo muuqday Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo sanad ka hor isku dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Xudur kadibna heshiisyo lagalay saraakiil Mareykan ah.

Max'med Aadan Fargeete wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladda Federaalka oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa kamid ah siyaasiyiinta ay wataan Farmaajo iyo Kheyre si uu ula loolamo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka dowladda.


inkasta oo uusan Mukhtaar Rooboow iclaamin in uu yahay musharax u taagan madaxtinimada Koonfur Galbeed hadane wasiirro iyo xildhibaanno ayaa sheegay in uu yahay musharax ay wataan saraakiil caddaan ah.

Bisha November 2018 ayaa lafilayaa in musharraxiinta uu ku jiro Rooboow ay Baydhabo uga qeyb galaan doorashada murunka badan uu hareeyay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in horraanta isbuuca soo socda ay siyaasiyiinta uu shiriyay Max'med Mursal ay udhoofi doonaan Baydhabo halkaas oo ay ka bilaabayaan ololaha doorashadooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items