Sheekh Ayman Al Dawaahiri Ayaa Kalimad Cusub Oo uu Jeediyay Jihaadiyiinta Ku Booriyay in Ay Beegsadaan Danaha Mareykanka.

Thursday September 13, 2018 - 12:16:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Ayman Al Dawaahiri Ayaa Kalimad Cusub Oo uu Jeediyay Jihaadiyiinta Ku Booriyay in Ay Beegsadaan Danaha Mareykanka.

    Amiirka guud ee urur weynaha Alqaacida Shiekh Ayman Aldawahiri ayaa jeediyey kalimad cusub oo uu kaga hadlayo sida ay Muslimintu u wajahayaan Mareykanka, xilli maalin ka hor ay reer America u baroor diiqayeen dadkii faraha badnaa ee lagu laayey weera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiirka guud ee urur weynaha Alqaacida Shiekh Ayman Aldawahiri ayaa jeediyey kalimad cusub oo uu kaga hadlayo sida ay Muslimintu u wajahayaan Mareykanka, xilli maalin ka hor ay reer America u baroor diiqayeen dadkii faraha badnaa ee lagu laayey weerarki 11 Sep 2001, oo ay u fuliyeen illaa 19 dagaal yahan oo alqaacidda katirsanaa.


Kalimadda Cusub oo cinwaankeedu yahay "Sideen U Wajaheyna Americankaā€¯ ayuu sheekhu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sida ay dowladda  mareykanka Mas'uul uga tahay Barakicinta iyo dilka lagu hayo dadka musliminta ah ee ku kala dhaqan daafaha caalamka.

Sheekhu wuxuu ka dhawaajiyey in Xukuumada Washington ay taakuleyn dhaqaale iyo mid ciidanba siiso qof kasta oo la dagaalamayo musliminta, ha ahaadaan gaalo ama daba dhilifyo calooshood ushaqeystayaal ah oo ushaqeeya iyaga oo aan u fiirineyn kala duwananshaha diimeed, haddey ahaan laheyd Iran oo shiico ah, Hindiya oo Majuusiya ah Ruushka oo Orthodox ah iyo dowlado kale intaba.



Kalimada oo la dhageysan karo illaa 30 daqiiqo ayuu inteeda badan kula hadlay mujaahidiinta caalamka, isagoona kula dardaarmay in ay u istaagaan baraarujinta bulshada muslimita ah ee caalamka iyo in ay u istaagaan beegsashada masaalixda mareykanka ee daafaha dunida iyagoo aan illaabeyn in dagaalka nagala dhexeeyaa uu yahay mid caqiido diimeed salka ku haya ayuu yiri 

Sheekh Ayman ayaa ugu baaqay xoogagga Jihaadiga ah  in ay ka digtoonaadaan wadaadda xumayaasha loosoo kireystay in ay jihaadka duraan oo quluubta dhalinyarada ay fasaadiyaan, kuwaas oo uu sheegay in hamiga ay leeyihiin uu yahay kaliya sidii ay u kasban lahaayeen xoogaa shilimaad ah ammaana ay uga heli lahayeen madaxda ay u fatwoonayaan iyo sirdoonnada cadawga oo uu tilmaamay in aysan wax dhagar ah u reebaneyn musliminta.

Kalimadda Shiikh Ayman ayaa kusoo aadeysa xilli maalin ka hor ay ku beegneyd 17 sanad guuradii kasoo wareegatay weraradii 11 September  ee lagu qaaday daarihii ganacsiga mareykanka ee New York  iyo weerarkii wasaaradda Gaashaandhigga Washington halkaas oo   mareykanka looga dilay loogana dhaawacay in kabadan 5000 oo qof sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi.

Kumanaan qof oo isugu jira madax ka socotay dowlada Mareykanka iyo ehelladii dadkooda ku waayey weeraradi New York iyo Washington ayaa isugusoo baxay halkii laga burburiyay dhismayaashii daaraha ganacsi adduunka, goobahaas oo loo badalay Taalloyin ay dadka American ah ku xasuustay dadkii kaga dhintay weerarki 11kii Sep ee sanadki 2001.

Shabakada CNN oo dowlada Mareykanka ay leedahy ayaa wax ka qortay khasaarahi dhaqaale ee dowlada Mareykanka kasoo gaaray weerarki 11 Sep 2001, waxa ayna sheegtay in weerarki tooska ahaa ee dhacay maalinki taladaada khasaaraha hantiyeed ee kadhashay uu kor u dhaafay Lixdan Billion oo Dollar, iyadoo ay xusid mudan tahay in ragii weerarka fuliyey aysan ka bixin wax ka badan 500Kun oo dollar.


Related Items