Taliye Katirsan Ciidamada Dowladda iyo ilaaladiisa Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Duleedka Jowhar.

Thursday September 13, 2018 - 17:34:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsan Ciidamada Dowladda iyo ilaaladiisa Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Duleedka Jowhar.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay shil baabuur oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan DF oo sh/dhexe ku sugan
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay shil baabuur oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Jowhar ayaa sheegay in gaari dagaal oo ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo dowladda katirsan uu rogmaday waxaana ku dhintay inta badan dadkii gaariga la socday.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in gaari Cabdi Bile  oo kasoo amba baxay garoonka diyaaradaha Jowhar uu shil ku galay meel ku dhow magaalada Jowhar waxaana ku dhintay sarkaal sare oo katirsan ciidamada DF-ka ee Sh/dhexe ka howlgala.

Mukhtaar Jareer oo ahaa taliye sare iyo ciidamo ilaala u ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilka waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sarkaal kale, Mukhtaar Jareer ayaa dhowaan kasoo kacay dhaawac kasoo gaaray weerar dhabbagal ah oo Al Shabaab ugu dhigtay duleedka degmada Balcad gaar ahaan deegaanka Gololeey.


Sarkaalka shilka ku dhintay ayaa kamid ahaa Mooryaantii caanka ka aheyd magaalada Muqdisho xilligii hoggaamiya kooxeedyada wuxuuna taliye u ahaa Maleeshiyaad isbaaro utiillay isgoysyada Fagax,Siisii illaa iyo xaafadda Sanca balse markii uu DF-ka madaxweyne unoqday Shariif Sheekh Axmed ayuu kamid noqday ciidamada dowladda qeybta Sh/dhexe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items