Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Dad Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Lamu Ka Dhacay.

Saturday September 15, 2018 - 12:46:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Dad Kenyaan Ah Lagu Dilay Oo Lamu Ka Dhacay.

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Lamu ee ku hoosjira gumeysiga dowladda Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan laba ruux oo gaallo Kenyaati ah lagu dilay halkaas ka dib howlgal qorsheysan oo Al Shabaab ay fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerar alshabaab ka fuliyeen Lamu
Wararka naga soo gaaraya gobolka Lamu ee ku hoosjira gumeysiga dowladda Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan laba ruux oo gaallo Kenyaati ah lagu dilay halkaas ka dib howlgal qorsheysan oo Al Shabaab ay fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.


Howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Sangaa’iloow iyo Ijaara oo ka tirsan gobolka Lamu ayaa lagu beegsaday gaari Bas ah oo ay la socdeen Rakaab ka soo baxay gobolka Lamu.

Ciidamada Al Shabaab  ayaa Istaajiyey gaariga Baska ah ka dibnasoo dajiyey dhammaan dadkii saarnaa gaariga kadibna dadkii ukala soocay Muslimiinta iyo gaalo  sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Warbaahinnada dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dadka laga qaaday kaararkii aqoonsi ee ay wateen  islamarkaana lagu sameeyey baaritaan socday in muddo ah iyadoona ugu dambeyntii halkaas lagu dilay dadkii Kirishtaanka ahaa.

"Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in laba ka mid ah Rakaabka ah ay noqdeen dad gaallo ah kuwaas oo durbadiiba goobta lagu khaarijiyey" sidaas waxaa baahiyay Radio Andalus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab  ay u muxaadareeyey dadkii Muslimiinta ahaa ee la socday gaariga ugu dambeyntiina la fasaxay oo safarkooda ay sii wateen.

Gaariga ayaa istaajiyeen Al Shabaab  ayaa ka yimid gobolka Lamu kuna sii jeeday gobolka Garissa sida ay sheegeen warbaahinada dalka Kenya.

Xoogagga Jihaadiga ah ee  ka howlgala gobolada Lamu iyo N.F.D ayaa waayadii dambe kordhiyey howlgalada abaabulan ee ay ku beegsadaan dadka kirishtaanka Kenyaanka ah ee ku nool deegaanadaasi.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa goboladaas ka dhacay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo lagu laayey ciidamada melleteriga Kenya iyo qaar ka mid ah dadka Nasaarada ag  ee lagu deegaameyey dhulkaasi.

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items