Dowladda Sacuudiga Oo Dalkeeda Ku Martiqaadday Madaxda Itoobiy iyo Ereteriya.

Saturday September 15, 2018 - 12:44:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Dalkeeda Ku Martiqaadday Madaxda Itoobiy iyo Ereteriya.

    Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarisay munaasabad lagusoo gaba gabeynayo khilaafkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarisay munaasabad lagusoo gaba gabeynayo khilaafkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya.

Salmaan Bin Cabdi Caziiz oo ah boqorka Sacuudiga ayaa sheegay in maalinta Axadda ah uu kulan heer sare ah madaxda Itoobiya iyo Ereteriya ku dhaxmari doono magaalada Riyaadh halkaas oo looga dhawaaqi doono in uu dib usoo laabtay xiriirkii labada dowladood u dhaxeeyay.

Fagaarayaasha magaalada Riyaadh waxaa lagu xardhay calamada Ereteriya iyo Itoobiya, ujeedka dowladda sacuudiga ay ka leedahay qaban qaabinta xafladdan ayaa lagu sheegay in indhaha caalamka ay kusoo jiidanayso waxaana lafilayaa in xafladda berri dhici doonto uu ka qeyb galo xoghayaha guud ee waxa loogu yeero Q.Midoobe.


Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga oo hal isbaheysi iskula jira ayaa go'doomin ku haya dowladda Qadar waxayna doonayaan in dekadaha wadanka Ereteriya ay ka dhigtaan meel ay ku cadaadiyaan Qadar.

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items